by

Welcom to truesomali website


26 Juun oo siyaabo kale duwan loogu dabaaldegey

Maalinta 26 juun oo ah maalin xusuus mudan qof walba oo Soomali ah, iyada oo aan loo eegeyn meesha
uu ka yimi , waa maalin qaderin mudan dareemina karo qof walba oo ku abtirsada magaca Soomaliyeed.
Midoowgii ama isdarsankii gobolada Waqooyi iyo kuwa Koonfureed waxaa uu ahaa tusaale aad u qurux badan
oo ay ku hirteen Afrikada horta ah iyo kuwa weli gacanata gumeysiga ku jirey, sababta oo ah ma jirin
wadan laba gumeysi ay kala qeybsadeen oo aan iyada aan la khasbin haddana isku darsamay. Gumeysigii
Ingiriiska iyo Talyaaniga ayaa iyana ay lama filaan ku noqatey sidii shuruud la`aanta aheyd ee
Soomalidu ay u rabeen inay sameystaan qaran keliya oo metela ummada Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan
, iyaga oo weliba ku hawlanaa sidii loo raadi lahaa gobolada kale ee maqan.
Goboladaa markaa maqnaa waxay ahaayeen Jabuuti oo ku jirtey gacanta gumeysiga Faransiiska, Ogaden ama
Kaalinka shanaad oo ku jirey gacanata gumeysiga Itoobiyaanka , iyo W/bari ama NFD oo ku jirtey gacanta
gumeysiga Ingiriiska oo markaa gacanta ku hayey Kenya.
Tusaalahaa quruxda badnaa ee metelay iskudarsanka gobolada Waqooyi iyo kan Koonfureed ayaa wax dad badani
u turjunteen mid ay sameysey ama ay laheyd xukuumada ugu danbeysey ee ka talineysey Soomaliya ee
hogaamiyaha u ahaa Maxamed Siyaad Barre.
Said Adam Gaalalajoog
Geeridii ku timi Zoppe oo laga dareemay dhamaan geyiga Soomaliyeed

Marxuum C/qaadir Zoppe ayaa waxaa uu ka mid ahaa ruug cadaagii Soomaliyeed ee muddada dheer ku dhex jirey
siyaasada Soomaliyeed.Marxuunku waxaa uu ku geeriyoodey dalka talyaanka, taasna waxaa cadeeyey safiirka
iyo qunsulka iyo caa`iladii uu ka geeriyoodey Marxuunka , kuwaas oo sheegay inuu doonayaan
inay marxuunka lagu aaso Soomaliya gaar ahaan Baydhabo oo ahyed magaalda oo ka yimi Zooppe.
Marxuunku waxaa uuu soo qabtay jagooyin kala duwan dowladii shacabka aheyd ee ugu horeysey ee ka dhalatay
Soomaliya.

Bahda Truesoamli oo leh Ilaahay naxariistii jano ha siiyo marxuunka qaraabadii iyo eheladii uu
ka tegeyna samir iyo iimaan ilaahay ha ka siiyo..” Amiin Amiiin”:

Gudoomiyaha Baarlamanka Deerow
oo ogolaansho ka sugaya Madaxda RRA

Gudoomiyaha Baarlanka C/laahi Deerow Isaaq ayaa weydiistey Hogaamiyaasha ururka RRA inay siiyaan
ogolaansho si uu uga soo qeyb galo aaska marxuunka, taas oo gelisey dad badan muran ay is weydiinayaan
sidee ayuu Deerow Isaaq u weydiistey ogolaansho RRA oo iyaga ka taliya Gobolka Bay.
Su`aasha
isweydiinta lehi waxay tahay haddii aan idin xusuusiyo sababihii Wasiirka wasiirada ee hore
Dr. Cali Khaliif lagu eedeyey ay aheyd inuusan wax ka qaban shirka nabadeynta gobolada Soomaliya,
marka sidii nabad looga dhalin kara gobolada Soomaliyeed , marka dadka u dhashay gobolka aanay
booqan karin reerahoodii , taas ayaa waxay tahay wax qof walba oo inaga mid ahi uu is weydiin karo.

Maxamed Xaaji Maxamed Muqdisho/Somalia

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *